Wednesday 19 June 2019

Buugga 5aad Awaken The Giant within.

   Buugga magaciisa Awaken the Giant Within. 

Buuggan waxaa qoray  Anthony Robbins(Tony robbins)  sanadkii 1991.
Nuuc ahaan waa buugta la yiraa self help books(Naf carbinta ) waxa uu ka kobanyahay afar tuduc,lix iyo labaatan cinwaan iyo shanboqol iyo afartan bog.

Waa buug qofka ka caawinaya   sida  uu  naftiisa; maskax ahaan, dareen ahaan muuqaal ahaan iyo maal ahan ba mamulid iyo masuul uga noqon lahaa  Alle ka soke.
Badanaaba waa qibrado iyo cashar nololeedyo uu u so jogay mid uu wayahiisa ka bartay iyo qaar dadka iyo dunida uu ka bartay.



Tonny Robbins   waa qoraa amerikaan ah, tababare nololeed iyo mid jecel hormarka aadanaha  kuna howlana buug qorid iyo macalinimo ilaa 20 jirkiisii, waxa uu dhashay sanadkii 1960.

Buuggaag aad u fara badan ayuu qoray oo kani ka mid yahay kuwa loogu jecelyahay sida; Unlimited power, money master the game iyo qaarkale  waa nin can ku ah lahadlida dadka  iyo daawaynta cudurada nafsaaniga ah waxa uu ku safraa oo siminaaro ka baxshaa shanta qaradood asago tababara dadka sida ganacsatada,ciyaartoyda,hal abuurada bilowga ah iyo dadka nolosha dhibatoyinku ka qabsadaan.

                             BUUGGA GUDAHIISA

Dhiganahaan waa mid aad u wayn xog iyo aqoon badana ka dhitaysantahay waxuu u badan yahay talaaboyin iyo qodobo ay tahay si jogto ah in qofku ugu dhaqmo,wax yaroo  faaido guud ah ayan ka qorayaa insha Allaahu dib marar kale waa aan ka qori donaa casharada
u gu mihiimsan

Qodobo muhiim ah.

           1  Sida aad ku samayn kartid isbadal waara

Qofkasta oo koonkaan dul jooga si uu dhab ahaanta hadaf ama u jeed nololeed   dhankastaba ha ahatee  u gaaro  waxa lagama maarman ah inuu isbadal sameyo si aysan wayahu ugu talin.
Ruux walboo naga mid ah maantay meel uun noloshiisa ka mid ah ayuu u halgama inuu isbadal ka sameeyo sida; cafimadka, dad la dhaqanka, maalka,cilmiga  iyo qaybo badan.Tony waxa uu leyahay saddex daan qodob ayaa sal u ah isbadal waara.





             Hankaaga sare mari.

Marwalba oo aad rabtid inaad isbaadal samaysid hankaagu haka sareeyo caqabad kaste oo kaa hor joogsan karta, arag fogaalka iyo hanka sare waxaa uu kugu riixaya ka dhabaynta isbadalkaas.
  
           Ka tanaasul fikirka  xaddidan.

Kolba haddii aadan aaminsanayn naftada ama inad  isbadalkaan ka guul gaari kartid sikasta oo hankagu u sareeyo meel u dhaqaqi maysid, ictiqadsanantena maskaxed ayaa aah mid door wayn ka ciyarta waxqabadkena.

        Badal xeelada iyo wadiiqada.

Marka uu hankaagu ka sareeyo caqbadaha sido kalena is aminsantahay  waxa aad u bahantahay waa xeelad iyo wado aad umartid isbadalka, tan  ugu horaysa waa  inaad isha ku haysid qof ama koox cayiman oo kaga horeeyay arintaa adiga oo ka eeganaya tabaha iyo xeeladaha ay adeegsadeen,adiga oo waliba u samayn kara sidoodii ka wanagsan.



2  Samayta go’aan sax ah 


  • Xasuusnow muhiimada   go’aan samaynta.
Go’aanku waa fure aad u adeegsan  kartid jiha walboo nolosha ka mid ah waqti walba,sida ay go’aamadeenu  saamayn  ugu leeyahiin qaab nololedkena waa mid anan kaga shekaynayn.Go’aanku ficilka ayuu sababa ficil la’aana waxba isma badalaan.


  • Xaqiiqso qaybta ugu adag ku guulaysashada arin walba waa samaynta go’aan sax ah.

Tony waxa uu leyahay dadku waa laba qayb marka go’aan qadashada la joogo.

1 kuwo u sameeya si aqliyaysan laga fikiray lakiin dagdag ah oo aan waqti dheer ku qadan gaarida go’aan balse ay adagtahay inay badalaan dibna uga adkaysta  iyo

2 kuwo si aan dag dag ahayn oo waayo ka qaata u sameeya go’aan ayago ka walwal qaba yacni dhiiranantu ku yartahay kadibna si sahal ah u badala haddii arin kale laso gudbonato.Waxa uu faanshay saxna u eg kooxda koobaad.


  • Samee go’aamo inta badan
Marwalba oo aad go’aamo badan samaysid waxa siyaadaysa qibrad iyo xeeladada aan u leenahay


  •  Wax ka baro go’aamadaada 

Waa doqonimo halka ugu saraysa qof aan cahar ka baran howl uu horay u soo qabtay amah aka guul gaaro ama haku fashilmee waa un cibro nololeed.

      Xasuusnoow oraah yadaan.


  1.        Aniga iyo adiguba waxaan badali karnaa sida aan xaalad u daremayno kaliya                         haddaan badalno xagalka aan diirada sarayno am aan ka eegayno.
  2. waxaxa aan haysanaa waqti nagu filan haddii aan u isticmaalno si sax ah.
  3. Marka hore anaga ayaa samaysana caadooyinka kadibna ayaga ayaa na saameeya                 fiirogaar ah u yeelo caadoyinkaga.
  4.  Wax walba oo aan u jihaadno waan kasbanaa dhamaadka
  5. Dadka intooda badan cabsida ay ka qabaan fashilka ayaa kala wayn rayn raynta                       danbee guusha.
  6. Dhacdooyinka noloshu nama qaabeyaan ee waa qaabkan uga fal celino iyo sida                     aan aaminn
  7. Is waydiinta su’aalaha qiimaha leh waxay abuuraan nolol qiimo leh
  8. Xasuusnoow marwalba oo aad qof u xanaaqdo sababtu waa sharuuc  iyo qodobo naftada lagama taabtaan u ah oo la burshay ee qofka   mahan.dabcan                         sharuucdada nololeed dib ufiirin waadku samayn kartaa goorwalba. 
  9. Halka wax een  awooda buuxda u leenahay hagideeda waa aduunka dhexdeena          ah, waxa aan kala shaandhayn karnaa waxa adunka dibada ah noga yimada inta aysan guryo naga dhex dhisan.


                     Dhamaad

Buuggaan oo ah mid aad u wayn waliba xogta ku jirtaa fara badan tahay waa mid ay wacantahay inuu qofku wada akhriyo kuna dhaqmo loogama boga karo dulmar sida aan kor ku xusay, laga yaabee inaad ogtahay ama ku ba dhaqantid inta kor ku qoran se waa is xasuusin ku mahadsanid aqrintaada.

W/Q. Samia Nour 
Q 17 June 2019
Buugga Awaken the giant within.
Qoraaga Tonny Robbins
Daabacay 1991








 

14 comments:

  1. Replies
    1. Maanshalah si qurux badan ayaad u soo koobtay mahadsnid

      Delete
  2. Samia wad ku mahadsantahy casharka muhiimka ah aad nala wadaagtay.

    ReplyDelete
  3. Wali ma fahmin sida aad wax u doonayso
    Ma afsomali ayad ku qoraysaa oo wad turjumaysa haday sidaa tahay wuu anfacaya ummada somaliyeed wan ku salamay

    ReplyDelete
  4. Samia runti waa qoraal lajeclato aadna muhim u ah. Runti haka dhalin in and nalawaagta wll. Allaha kusharfo wll. It was so lovely reading it wll. Mahadsanid.

    ReplyDelete
  5. M.a Samia aad bad ugumahadsantahay qoraalkagaan aad nala wadagtay I. A kuwo klena waan kaasugynaa. Guulayso

    ReplyDelete
  6. Msha Allah wlshy mhdsanid aad baan ula dhacay book horay noogu si wad hdii aad Nala wadagi Kartid aso pdf boog waa ficnaan laheyd

    ReplyDelete
    Replies
    1. Mahadsanid walal hadda mahayo pdf lkn waad ka helaysaa google ka

      Delete
  7. well done waxa jira somali badan ay luqadaha qalaad ay ku adagtahay,inaad somali ugu soo koobta dheef badan bay siinaysa.

    ReplyDelete